Daldalooda huursan ee hareeyay xafiiska Ra'iisul Wasaare Xamse

Image
Wararka qaar ayaa tibaaxaya in laga yaabo in Ra'iisul Wasaaraha uu tixgeliyo tabashooyinkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Daldaloolo dhanka shaqada ah ayaa hareeyay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya gaar ahaan kaalinta xoghaynta joogtada ah, sidda ay sheegeen illo wareedyo si dhow u dhuun-daloola xaaladda.

Wasiirka koowaad xukuumada federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa, sida ay xaqiijiyeen shaqsiyaad xayndaabkiisa ku jira, waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay gaarey cabashooyin ka dhan ah xoghayntiisa joogtada ah.

"Eedeymaha ugu badan ee loo jeedinayo xafiiska xoghayaha joogtada ah waa faham-daro, dayacaad iyo gaabis dhanka isku xirka ah," ayay GO u sheegeen in ka badan saddex qof oo si xoogan uga war haya dhaqdhaqaaqa xafiiska.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in laga yaabo in Xamse uu tixgeliyo tabashooyinkan isla markaana uu dib-u-habeyn ku sameeyo xafiiska xoghayaha joogtada oo uu haatan madax ka yahay Maxamed Abuukar Zubeyr.

Zubeyr ayaa, sidda ay xogta caddeynayso, waxaa jagaddan uu ku hantey taageero iyo olole xooggan oo uu ka helay Faarax Sheekh Cabdiqaadir, wasiirka Waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Dib-u-gurasho

Faarax ayaa saameyn ku leh labada dhinac - Xamse iyo Zubeyr. Xiriirkooda fog wuxuu dib-ugu-laabanayaan waayahooda macalinimo ee mid kamid ah Jaamacadaha ku yaala magaala madada Muqdisho.

Bishii October ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii uu soo shaac-baxay khilaaf ka dhaxeeya Zubeyr iyo Axmed Nuur Uleex, oo ah lataliyaha arrimaha siyaasadda iyo madaxa mashaariicda xafiiska ra'iisul wasaare Xamse.

GO ayaa fahansan in xiisadda labada mas'uul ay salka ku haysay cidda yeelanaysa kaalinta koowaad ee isku-dabaridka barnaamijyadda xafiiska ayna kalka dambe soo farageliyeen xubno ku dhow madaxwayne Xasan Sheekh.

"Marka laga reebo dhowr jeer oo shirar laga maarmaan ah ay jireen, Mr Uleex wuxuu markaas kadib bilaabay dib-u-gurasho. Wuxuu joojiyey tagida xafiiska doortayna in uu gurigiisa ka shaqeeyo," ayay xuseen illo wareedyada.

Afartiina sano mar kooxda siyaasadeed ee la wareegta talada dalka, waxaa caado ah in ay karkaaraha weedaariyaan cid kasta oo qeyb ka ahayd nidaamkii xafiiska uga horeeyay iyada oo dhinac la iska dhigo tayada shaqsigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM