Daldalooda huursan ee hareeyay xafiiska Ra'iisul Wasaare Xamse

Image
Image
Image
Image
Image
Wararka qaar ayaa tibaaxaya in laga yaabo in Ra'iisul Wasaaraha uu tixgeliyo tabashooyinkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Daldaloolo dhanka shaqada ah ayaa hareeyay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya gaar ahaan kaalinta xoghaynta joogtada ah, sidda ay sheegeen illo wareedyo si dhow u dhuun-daloola xaaladda.

Wasiirka koowaad xukuumada federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa, sida ay xaqiijiyeen shaqsiyaad xayndaabkiisa ku jira, waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay gaarey cabashooyin ka dhan ah xoghayntiisa joogtada ah.

"Eedeymaha ugu badan ee loo jeedinayo xafiiska xoghayaha joogtada ah waa faham-daro, dayacaad iyo gaabis dhanka isku xirka ah," ayay GO u sheegeen in ka badan saddex qof oo si xoogan uga war haya dhaqdhaqaaqa xafiiska.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in laga yaabo in Xamse uu tixgeliyo tabashooyinkan isla markaana uu dib-u-habeyn ku sameeyo xafiiska xoghayaha joogtada oo uu haatan madax ka yahay Maxamed Abuukar Zubeyr.

Zubeyr ayaa, sidda ay xogta caddeynayso, waxaa jagaddan uu ku hantey taageero iyo olole xooggan oo uu ka helay Faarax Sheekh Cabdiqaadir, wasiirka Waxbarashadda, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Dib-u-gurasho

Faarax ayaa saameyn ku leh labada dhinac - Xamse iyo Zubeyr. Xiriirkooda fog wuxuu dib-ugu-laabanayaan waayahooda macalinimo ee mid kamid ah Jaamacadaha ku yaala magaala madada Muqdisho.

Bishii October ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii uu soo shaac-baxay khilaaf ka dhaxeeya Zubeyr iyo Axmed Nuur Uleex, oo ah lataliyaha arrimaha siyaasadda iyo madaxa mashaariicda xafiiska ra'iisul wasaare Xamse.

GO ayaa fahansan in xiisadda labada mas'uul ay salka ku haysay cidda yeelanaysa kaalinta koowaad ee isku-dabaridka barnaamijyadda xafiiska ayna kalka dambe soo farageliyeen xubno ku dhow madaxwayne Xasan Sheekh.

"Marka laga reebo dhowr jeer oo shirar laga maarmaan ah ay jireen, Mr Uleex wuxuu markaas kadib bilaabay dib-u-gurasho. Wuxuu joojiyey tagida xafiiska doortayna in uu gurigiisa ka shaqeeyo," ayay xuseen illo wareedyada.

Afartiina sano mar kooxda siyaasadeed ee la wareegta talada dalka, waxaa caado ah in ay karkaaraha weedaariyaan cid kasta oo qeyb ka ahayd nidaamkii xafiiska uga horeeyay iyada oo dhinac la iska dhigo tayada shaqsigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM