Bayle: Dalkan ayaan ka helnay lacagta lagu iibiyey safaarada Washington

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhowr su'aallo ayaa soo if-baxay kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay dhisme u iibisay safaaradda Washington, caasimadda Mareykanka.

Waydiimaha oo qaarkood jawaabo loo helay ayaa waxaa baaqi ah kuwa kale oo aan wali laga jawaabin waxaana kamid ah; halka ay ka timid iyo hadii ay jirtay meelo ka haboon oo lagu bixin karay.

Dhismaha oo ku taala degaanka Wyomin oo ay ku badan yihiin howlgalada diblumaasiyadeed ee caalamka ayaa waxaa lagu iibiyey aduun lacageed dhan 4.3 milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Sidda laga soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, dhismaha ayaa wuxuu ka kooban yahay saddex dabaq iyo tobban qol ah.

Dalka Colombia, ee dhaca Koonfurta Ameerika oo dhismahaas deganaa in ka badan 40-sano ayaa laga iibiyey guriga.

Madaxweyne Farmaajo oo Mareykanka kaga qeybgalay shirka 74aad Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa xariga ka jaray, isaga oo yiri "lacagtii lagu ridi jiray ra’siiul wasaaraha ayaan ku dhisnay".

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo munaasabadda qeyb ka ahaa ayaa u sheegay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da in lacagta lagu iibiyey dhismaha ay bixisay Qadar.

"Lacag aan ka helnay dowladda Qadar ayaan ku iibsanay…waana wax lagu farxo in hanti maguurto ay ku yeelano Mareykanka," ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Lacagta ee xukuumadda federaalka.

Warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in uu socdo qorsheyaal kale oo ay dowladdu ku iibsaneyso dhismeyaal kale oo ah; hoyga safiirka iyo mid kale oo lagu qaabili doono martida kala duwan ee safaaradda.

Mareykanka ayaa wuxuu horey u iibiyey hoyga safiirka. Lacagtaas oo lagu wareejiyay dowladda waxaa lagu socod-siiyey howlaha safaaradda iyo howlgalka Soomaaliya ee Qaramadda Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM