Dalka Qatar oo Safiir aan Caadi Aheyn u soo Magacowdey Soomaaliya

Image

DOHA- Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa qoraal uu soo saarey maalintii shaley waxaa uu dalka Soomaliya u magacaabey Safiir loogu magacdarey mid aan caadi ahyn (Extraordinary-سفيرا فوق العادة).

Safiirkaan oo lagu magacaabo Xasan Xamza Asad Haashim ayaa Soomaaliya wakiil uga ahaan doona  danaha dalka Qatar ka leeyahay dalka dagaalada sokeeye ka socdeen mudada ku dhow 30 sano.

Haashim ayaa lagu sheegey in shaqadiisa bilaabayo markii wareegtadaan uu soo saarey Amiirka dalkaas.

Qatar ayaa waxaa khilaaf xoogan ka dhexeeya dalka Imaraadka Carabta iyadoo magacabistaan ay ku soo beegmeyso xilli xiriirka dowlada Fedraalka la leedahay Abu Dhabi uu marayo heerkii ugu hooseeyey.

Dowlada Soomaaliya oo horey u sheegtey iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka ayaa waxaa ay u muuqataa iney aad ugu dhowaaneyso wayadaan dambe Qatar kadib markii Barlamanada Federaalka dhowaan soo saareen qaraar ay dalka ka mamnuucayaan shirkad DP oo dhiseysa dekada Berbera halka shirkad xiriir la leh P&O maamuleyso dekada magaalada Boosaaso.

Dowlada Somaliland ayaa diidey go’aanka Barlamanada Fedraalka Soomaaliya halka Madaxweyne Puntland weli ka aamusan yahay inuu difaaco Heshiiska uu lasoo galey shirkada maamuleysa dekada Boosaaso.

Dalka Qatar ayaa muddo ku lug lahaa siyaasada dalka Soomaaliya isagoo faragaliya doorashooyinka ka dhaca dalkaas halka sida la rumeysan yahay xiriir la leh kooxaha Islaamiyiinta ee ku hardama gacan ku haynta wadankaan daganaansho la’aanta siyaasadeed ragaadisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM