Dalladda Mucaaridka oo jawaab culus ka bixisay hadalkii Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Dalladda mucaaradka Puntland ayaa maanta shir ku qabatay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, iyaga oo waxaba kama jiraan ku tilmaamay khudbadii oo uu xalay jeediyay Madaxwaynaha xilkiisu sii dhamaanaayo ee Saciid Cabdullahi Deni.

Shirka waxaa looga hadlay arimaha Doorashada iyo damaca Saciid Deni ee ku aadan muddo kororsiga iyo mowqifka ay mucaaradku ka leeyihiin masiirka siyaasadeed ee SSC-Khaatumo.

Qodobka 1-aad ee ay mucaaridku ka hadlayn ayaa ku saabsanaa in gabi ahaanba la baalmaray dastuurka Puntland, iyadoo loola danleeyahay in maamulka Deni uu muddo kordhin samaysto, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay intaas ku dareen in Guddiga doorashada ee uu muranka ka taaganyahay “PEC” uu baal marsanyahay sharciga oo ayna ku dhaqmi doonin go’aanada ay soo saaraan, iyaga oo sheegay in Deni uu qaadi doono mas’uuliiyadda ka dhalata.

Dalladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhisi doonaan guddi loogu magac darayo Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka kaas oo qaban doona howlaha doorashada hadii uusan Baarlamaanka soo saarin lifaaqii dooarshada lagu gali jiray.

Dalladda ayaa ka soo horjeestay hadalkii hogaamiyaha SSC-Kaatumo Cabduqaadir Firdhiye ee ku sheegay in doorashada Puntland aan lagu qabaneem deegaanada maamulkaas.

“Waxaan Cadayneena in aan aaminsannahay in masiirka SSC looga dambeeyo hogaankoodii dhaqanka iyo siyaasadda, waxaana diyaar u nahay sii wadida difaaca & Garab istaagga SSC-Khaatumo”.

Deni Ayaa shalay jeediyay qudbad muujinaysay in uu doonayo dhaqangalinta doorasho aan dadka puntland wadar ogol u ahayn, sida ay ay sheegeen dad u la socda masraxa siyaasadeed Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM