Damaca shisheeyaha ee doorashada madaxtnimada Soomaaliya 2020-21

Image

ANKARA, Turkey – Dal walba oo doorasho u dareeraya, waxaa isha ku haya awoodo dibada ah kuwaas oo isugu jira wadamo deriskiisa iyo qaar kale oo dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale ka leh, Soomaaliya waxay ku jirtaa liiskaas.

Marka la isku daro in ay soo kabasho ku jirto iyo waaya-aragnimada doorashooyinkii lasoo dhaafay, Soomaaliya waxaa la saari karaa cabirka in ay kamid tahay wadamada u nugul faragelinta shisheeye kasta oo damac leh.

Ma jirto dowlad joogitaan diblumaasiyeed ku leh Muqdisho oo aan ajande ka lahayn coddeynta nagus oo fool eh, balse waxay ku kala duwan yihiin waa in qorsheyaashooda kala durugsan yahay iyo qaabka mid walba ku goobayo.

Dano siyaasadeed, jiquraafiyeed, diblumaasiyadeed, dhaqan-dhaqaale iyo marinka ay kaga taala aduunka, waa sababaha ugu waaweyn ee dowladaha u quudareynaynaan in ay saameyn ku yeeshaan coddeynta Soomaaliya.

Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa warisay in qaar kamida wadamada Carabta iyo Turkiga ay si weyn ugu loolamayaan doorashada 2020.

Wargeyska Africa Inelegance ayaa wariyey in madaxweynaha Turkiga, Recep Tayib Erdogan, uu si gaar ah u doonaya in Farmaajo uu dib u soo laabto si aysan hoos ugu dhicin doorkiisa dhinacyadda siyaasadda, dhaqaalaha iyo milatariga.

Mareegga Sweden kasoo baxa Nordic Monitor oo soo xigtay warbixno iyo illo wareedyo muhiim ah ayaa tibaaxay in Ankara ay u rabto in "faragelinta" arrimaha Soomaaliya ay ku rabto in ay ku balaariso joogitaankeeda Geeska Afrika.

Sidda uu wariyey bogga Al Ceyn, Qadar oo maalgelisay ololihii doorashada Farmaajo ee 2017-kii ay kalkan diyaar u tahay in ay dhisto Farmaajo iyaddoo ku mashruuc ah Turkiga "si ay u ilaashadaan danahooda gobolka iyo Carabta".

Isagoo ka hadlayey dood lagu qabtay Villa Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo oo qiray in faragelin shisheeye ay dhici karto doorashadda 2020-21 ayaa ka gaabsaday in uu ka faaloodo qaabka ay noqoneyso iyo waxa uga qorsheysan.

Maadaama aysan shacabka soo xuleyn Xildhibaanadda iyo hogaamiyeaasha, doorashadda Soomaaliya waxaa looga bartay musuqmaasuq, laaluush iyo codadka oo la kala iibsado taasoo murashaxiinta ku riixeysa in ay goobaan taageero ajnabi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM