Danab oo gacanta ku soo dhigay nin weeraray goob ay ciidamo ku sugnaayeen

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gacanta ku dhigay Abshir Mowlid Axmed oo la sheegay in uu ka tirsanaa kooxda "AS".

Abshir ayaaku eedaysan in uu babma gacmeed ku tuuray xaafad ay degnaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska Danab oo ku taala magaalada kismaayo.

Ciidanka ayaa isla markii dabagal ku sameeyay eedaysanaha oo goobta ka cararay sida ay wariyeen hay'adaha amaanka.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa haatan gacanta ku haayo Abshir, iyaga oo baaritaanno ku samaynaya. Laamaha amaanka ayaa laga soo xigtay inuu keydsaday bambooyin oo uu damacsanaana inuu falal amni darro oo kale ka gaysto magaalada kismaayo ee caasimada Dowlad-Goboleedka jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM