Danjiraha UK oo kulamo siyaasadeed kawada Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Gollaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shalay oo Khamiis ahayd xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Muqdisho Amb David Concar.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga, garsoorka, dib u eegista dastuurka iyo nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay ee ah hal qof iyo hal cod.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen Mursal iyo David xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla golaha shacabka, ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

"Waxa la kulmay David Concar oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, waxa uu ii balan qaaday in dowladiisa ay golaha shacabka ay wax badan ka taageerto, kulankeena guul ayuu ku soo dhamaaday,“ ayuu yiri Maxamed Mursal.

Dhankiisa, David Concar ayaa balan qaaday in qodobada ay ka wada hadleen la dhaqan galin doono, oo ay wax badan ay ka taageeri doonaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan golaha shacabka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Safiirka maalmihii dambe kawaday Caasimadda, isagoo sidoo kale kulan la yeeshay gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow.

Safiirka ayaa ku tilmaamay kulamada uu la sameynayo madaxda kala duwan sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalka uu matalo iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM