Danjiraha UK oo kulamo siyaasadeed kawada Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Gollaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shalay oo Khamiis ahayd xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Muqdisho Amb David Concar.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga, garsoorka, dib u eegista dastuurka iyo nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay ee ah hal qof iyo hal cod.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen Mursal iyo David xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla golaha shacabka, ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

"Waxa la kulmay David Concar oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, waxa uu ii balan qaaday in dowladiisa ay golaha shacabka ay wax badan ka taageerto, kulankeena guul ayuu ku soo dhamaaday,“ ayuu yiri Maxamed Mursal.

Dhankiisa, David Concar ayaa balan qaaday in qodobada ay ka wada hadleen la dhaqan galin doono, oo ay wax badan ay ka taageeri doonaan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan golaha shacabka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Safiirka maalmihii dambe kawaday Caasimadda, isagoo sidoo kale kulan la yeeshay gudoomiyaha gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Yariisow.

Safiirka ayaa ku tilmaamay kulamada uu la sameynayo madaxda kala duwan sidii loo xoojin lahaa xiriirka dalka uu matalo iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM