"Dayax-madoobaadkii qarniga" oo dul-mari doono Soomaaliya

Image
Khuburo ayaa saadaaliyay in qorax-madoobaadkan uu kasoo bilaaban doono Koonfurta Spain.

MUQDISHO, Soomaaliya  - Soomaaliya ayaa, sidda ay sheegeen khuburadda, waxay in ay kamid noqon doontaa meelo uu qorax-madoobaadkii qarniga ka dhici doono marka la gaaro bisha August ee sanadka 2027.

Qorax-madoobaadkan ayaa lagu waramay inuu kasoo bilaaban doono dalka dhaca qaaradda Yurub ee Spain isla markaana uu ku dhamaan doono Geeska Afrka gaar ahaan Soomaaliya August 2, 2027.

Qorrax-madoobaadka oo gaari doono 260-km oo balac ah ayaa ka dul mari doona indhaha Ahraamta loo dalxiis tago ee Masaarida iyo Dhagaxa caanka ah ee Gibraltar ee ku yaalla xeebta koonfureed ee Spain.

Dayax-madoobaadku ayaa ku dhawaan doona buurta Roomaanka ee Waqooyiga Afrika waxana uu si dirqi ah u seegi doonaa Seville, oo ah goobta ay ku yaallaan qaar ka mid ah dhismayaasha caanka ah ee Spain.

Tan ugu muhiimsan oo dhan, muuqaalka dayax-madoobaadka ayaa la filayaa inuu fiicnaado maadaama gobolka uu caadi ahaan leeyahay daruur hoose ama daruur-la'aan.

Si kastaba, dadka safarka ah iyo dadka caadiga ah waa inay u diyaar garoobaan heerkul aad u daran maadaama kulaylka Mediterranean-ka iyo kulaylka Saxaraha uu hoos u dhici doono marka dayaxu daboolo qorraxda.

Sida laga soo xigtay majaladda caanka ah ee Space.com, ku dhawaad ​​​​90 milyan oo qof ayaa ku hoos nool dariiqa meeraha, taas oo ka dhacda gobollada Spain iyo Masar oo caadi ahaan caan ku ah dalxiisayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM