Deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom oo sanadkii 2aad la bixinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa deeqo waxbarasho oo heer jaamaceed ah siinaysa sanadkii labaad ardayda Soomaaliyeed, ee kasoo qalin-jebisay Dugsiga Sare.

Bilowga sanadkii 1aad ee barnaamijka deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa waxaa is qortay 600 oo arday, waxayna 192 ka mida u suurtagashay inay imtixaanka u fariistaan, waxaana laga xushay 30-kii arday ee ugu dhibcaha badnaa.

Ardayda ku guuleysta imtixaanaadka tijaabada ee laga qaado ayaa waxay fursad u hellaan inay wax ka bartaan jaamacadaha dalka ku yaala, iyadoo qarashka iyo tashiilaadka ay u baahan yihiinba, ay dusha u ridato Hormuud Telecom, mudada afarta sano ee heerka 1aad, ee ay waxbarashada jaamacadda ku guda jiraan.

Waxaa sidoo kale la siin doonaa ardayda Courses iyo tababaro ku saabsan kuliyadaha ay baranayaan.

25-ka bishan July oo maanta ku beegan waxay ahayd maalintii is diiwaangelinta ee ardayda rajeyneysa inay ku guuleystaan fursadda waxbarasho, ee ay bixiso Shirkadda Hormuud Telecom (2020/21), waxayna is diiwaangelinta tiradii la rabay ku buux-santay 16 daqiiqo oo keliya, taas oo muujineysa muhiimadda ay ardayda Soomaaliyeed u leedahay deeqdaan waxbarasho.

Xilligan waxaa is diiwaangelisay 400 oo arday ah, kuwaa oo lagu wado inay imtixaanka u fariistaan 4-ta iyo 5-ta bisha soo socoto ee August, waxaana laga xulan doonnaa 30-ka arday ee ugu dhibcaha sareeya.

Hormuud Telecom Scholarship waa deeq waxbarasho oo sanadle ah, oo Shirkaddu billowday April 2019, iyadoo ujeedka loo aas-aasay barnaamijkan yahay in la daboolo baahida waxbarasho ee dalka.

Ardayda nasiibka u yeelato deeqda waxbarasho, ee ay sanadkii 2aad bixineyso Hormuud Telecom ayaa u madaxbannaan yihiin inay xushaan kulliyada ay daneynayaan, waxaase xusid mudan ka hor inta aynaan jaamacadaha ku biirin in la siin doono tababaro ku aadan kalliyadaha ay jecel yihiin inay ka qalin jebiyaan, taasoo ardayga ka caawineysa inuu faham badan ka haysto waxa uu baranaayo.

Related Articles

Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo.

  • Soomaliya

    15-02-2026

  • 06:12PM

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM