DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagey Afgooye

Image

AFGOOYE, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta booqasho ku tagey degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha Wadada dheer ee isku xirta Muqdishu iyo Afgooye ayaa hakad la geliyay saaka, iyadoo la dhoobey ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Afgooye, waxaana uu kulamo la leeyhay Madaxda maamulka, Taliyaasha ciidamada kala duwan iyo qeybaha kale ee bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo isna maanta soo gaarey Afgooye ayaa la filayaa inuu halkaasi kula kulmo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo u usii gudbi doono Deegaanka ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada dowladda Somalia, AMISOM iyo Al shabaab, oo uu kamid yahay Lambar-konton.

Sidoo kale, waxa uu tagi doonaan Balli-doogle iyo Laanta-Buure, isagoo halkaasi ugu soo kuurgali doonaan xaaladda ciidamada jiida hore ku sugan, waxaana uu ku meeri doonaan xaruumaha ciidamada.

Booqashad Farmaajo ayaa noqonaysa tii ugu horeysa oo uu ku tago gobolka Shabeellaha hoose, tan iyo markii la doortey bishii February 8, ee 2017.

GAROWOENLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM