​DEG DEG: Qarax culus oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan ayaa goordhaw ka dhacay bartamaha magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia, kaasi oo sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha GO u sheegay in Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa lagu dhuftay Albaabka Saldhigga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Gaariga Miineysan ayaa isku Qarxiyay Saldhigga oo ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama ee aadka u mashquulka badan, waxaana xigay rasas xooggan oo ay ridayeen Ciidamada halkaasi ku sugan.

Waxaa jira Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Qaraxa, balse lama oga Tiro rasmiga ah.

Goobta waxaa gaarey Gaadiidka Gurmadka, oo dhaawacyada u qaadaya Isbitaallada, waxaana la xiray Wadada oo ay soo buux-dhaafiyeen Ciidamada dowladda oo jiho kasta u ridaya rasaasta.

Fahfaahinta, kala soco wararkeena dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM