Qarax gaari oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qarax ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lagu waramayaa in uu caawa ka dhacay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar horudhac ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ku yaala degmada Xamar Jajab.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa dhacay waxyar kadib salaadiid Maqrib waqtiga magaalada Muqdisho.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa laga cabsi qabaa in uu geysto qaraxa, xili gaadiidka gurmadka deg deg ah ay kusoo qul-qulayaa halka ay wax ka dhaceen.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan oo qayb ka ah kuwa liddi ku ah amniga caasimada oo maalmihii u dambeeyay dhacayay.

Shalay oo Arbaco ah ayay ahayd markii taliska Booliska Soomaaliya uu ka digay gaadiid qaraxyo ku rakibay oo uu sheegay in ay ku jiraan caasimada.

Kula soco wararkeena dambe fahfaahin dheeraad ah

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM