Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahin laga helayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw laga maqlay magaaladda Muqdisho, kaasoo noqonaya midkii labaad oo maanta oo kaliya ka dhacay caasimadda Soomaaliya.

Jugta Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa laga maqlay qeybo badan oo kamida Muqdisho, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu ka dhacay Isgoyska Dabka.

Gaadiidka gurmadka degdega aya goobta kusoo qulqulaya, waxaana la ogeynta inta uu la egyahay khasaaraha Qaraxan oo lala eegtay Isgoyska aad u maqshuul badan oo ku yaalla wadada aada dhinaca Madaxtooyadda iyo xarunta Baarlamaanka.

Saacado kahor, qarax xoog leh ayaa ka dhacay afaafka Hotel Mubaarak, oo ku yaalla wadada Makka Al-Murakama, kaasi oo ay ku dhaawacmeen labo qof oo shacab ah. [Halkan ka akhri warka].

Qaraxyada ayaa kusoo kordhaya Muqdisho mudooyinkii dambe, iyadoo wadooyinka ay u xiran yihiin ciidamada booliska dowladda oo u muuqdan inay ku guuldareysteen kahor tagida baabuurta qaraxyada ku xiran ee lasoo geliyo magaalada.

Faahfaahin filo goordhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM