DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax labaad oo xooggan ayaa caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya abaare 10:00 p.m. habeenimo.

Jugta qaraxa labaad ayaa laga wada maqlay magaaladda qeybo kamid ah, iyadoo uu ka dhacay inta u dhaxaysa halka uu qaraxii kowaad ka dhacay ee hotel-ka Hilaac UK iyo KM-4, gaar ahaan hotel-ka Naasa-Hablood 1.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qaraxii hore uu ahaa mid burbur xooggan geystay iyadoo uu dab qabsaday xarumo ganacsi oo aad u badan iyo Wardhere Hotel, oo wadada hareeraheeda ku teedsan.

Sawirro laga soo qaadey goobta dhacdada hore ayaa muujinaya dab xooggan oo qariyay wadada iyadoo ay holcayaan gaadiid iyo goobaha ganacsiga ee Wadada Makka Al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegay in qaraxii kowaad oo ahaa gaari xamuul ah oo waxlxo qarxa lagu soo raray, kaasi oo qarxay xilli uu ku jiray safka gaadiid badan oo taagnaa bar koonatarool irida hotel-ka Hilaac UK.

Illaa hadda dhimasha waxaa la xaqiijiyay 15 qof qaraxii kowaad, iyadoo intaasi ay ka badan karto maadaama uu socda gurmad iyo daabulida meydadka iyo dhaawacyada qaraxii hore oo dhacay 9:00 p.m.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM