Deni: Doorashada waa arrin aan dhinac looga wareegi karin

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa si aan toos ahayn uga digay soojeedin ka timid Midowga Musharaxiinta.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si aan toos ahayn wuxuu uga digay soojeedin ka timid xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta madaxtinimada.

Deni oo xalay ka hadlay munaasabad lagu xusay sanad-guuraddii 3aad ee kasoo wareegatay doorashaddii hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa sheegay in soojeedintaas ay khatar tahay.

Sida laga soo xigtey Deni, soojeedintaas waxay kasoo horjeedaa nidaamka doorashadda ee dalka ka dhaqan-gashay taasoo dib u soo celisay xukunka dimuqraadiga ah burburkii sokeeye kadib.

"Doorashadda waa arrin aan dhinac looga wareegi karin. Saldhig waxay u tahay nidaamka xukunka ee burburka kadib bilowdey in uu horay u socdo. Waxaan Ilaahey ka rajeynayaa in nidaamkaas uusan istaagin," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Dadka marmar dhahaya nidaamkan ha iska daayee goleyaal hala sameeyo waa dad raba in dadkan [Soomaaliyeed] ay ku celiyaan Teendhadii Carta waana qatar".

"Fekerkaas anigu waan ka digayaa, laakiin wixii qaldan ah in la saxo ayaa loo baahan yahay, qaladna waa ka imaanayaa meel ay howl ka jirto sida horay loo sheegay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Soojeedinta musharaxiinta ee sidda aan tooska ahayn uu uga digay Deni ayaa ah in la joojiyo doorashadda lana sameeyo gole ku meelgaar ah oo dalka doorasho u diyaariya muddo laba sano gudahoodda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM