Deni: Shirka Dhuusamareeb wuu noo furan yahay hadey jirto cid laabtey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in Puntland iyo Jubaland uu wali u furan yahay shirka DhuusamareebIII "maadaama ay ahaayeen qaban-qaabiyeyaasha".

Madaxda maamulada ka maqan wadahadalada Muqdisho ee kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayuu si aan toos ahayn ugu baaqay in ay kusoo biiraan si wada ogol loo gaaro.

"Shirka Dhuusamareeb annagaa furnay, walina wuu noo furan yahay, hadii cid laabtey ay jirto annaga wuu noo furan yahay...wax badan ayaan sheegnay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, doorashaduna noqoto mid la isla ogol-yahay," ayuu ku adkeystay.

Deni oo hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in doorashooyinka soo aadan ay waqtigooda ku dhacaan ayaa adkeeyay in ay muhiim u tahay xasiloonida iyo horumarka dowladnimada dalka.

"Dadka indho yar-yar uma shidnee, ful baa u shidan," ayuu yiri, isagoo u muuqda mid muujinaya in aysan dhici karin in daaha gedaashiisa lagu mariyo ajande gaar oo la xiriira coddeynta soo aadan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa soo jeediyey in hogaamiyeyaasha siyaasada oo dhan ay u midoobaan sidii Muqdisho u heli lahayd amni, metelaad, bilic wanaagsan iyo maqaamka caasimad.

Xilli uu fariin u dirayey madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo ayuu xusay "ceeb maahan in cidda xilka haysa ay doonto in ay dib u soo laabato, mana xuma in ay ka shaqeyso sidii ay u soo laaban lahayd, laakiin waa in hanaanka doorashada loo sinaado". 

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la isku raacay in aysan qabsoomi karin, taas bedelkeeda wali ma jiro heshiis siyaasadeed oo laga gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM