Deni oo carqaladeeyay Murashax

Image

GAROWE. Soomaaliya - Murashax Madaxweynaha Puntland ee Doorashada 2024 bisha koowaad 8-deeda lagu wado in ay Garowe ka dhacdo, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa Garowe gaaray iyada oo ay soo dhaweeyeen Siyaasiyiin, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Siyaasiga oo taageerayaashiisa kula hadlay Barxadda Garowe ayaa sheegay in madaxweynaha ay dhawrka bil uga hareen mudada xil-hayntiisa Dastuuriga ah, Siciid Deni uu ka hor istaagay in lagu soo dhaweeyo qeybta VIP-da garoonka diyaaradaha Garowe.

"Waxaad ogtihiin Deni meel waliba waa xirtay maanta garoonkii qeybtii VIP-da waa xirtay. Deni laga yeeli maayo in uu meel waliba iska xirto".

Falanqeeyayaasha ayaa ku tilmaamay is hortaagga murashax Maxamed Cabdiraxmaan Faroole mid muujinaysa walaaca Deni iyo qoyskiisu ay ka qabaan saamayntiisa.

Hogaamiyahan ayaa lagu tilmaamaa Aas-aasaha iyo bud-dhigaha ciidamada Badda Puntland isaga oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM