Deni oo Muqdisho kula kulmay Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin kale

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wafdiga Deni ayaa ka koobnaa Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Puntland.

Warka qoraalka ah ee Puntland State House ayaanan lagu fahfaahin qodobada diiradda lagu saarey wada-xaajoodyaddan. Hase ahaateen, kulamadan xaaladan oo kale waxay daaran yihiin doorashooyinka.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxaa la isku raacay in aysan dhici karin, taas bedelkeedana loo baahan yahay in laga gaaro heshiis siyaasadeed.

Deni ayaa shalay markii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Puntland lagu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana uu u yimid wadahadaladda arrimaha hor-tabinta u leh dowladnimada iyo dalka.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa wehliya. Labadooda waxay si wadajir ah caawa ula shiri doonan madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed C/laahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM