Denmark, Ireland iyo Poland oo safiiro cusub u soo dirsaday Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee waqtiga kasii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Denmark, Ireland iyo Poland ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Denmark Ole Thonke oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda Dalkiisa Marwo Margrethe Alexandrine ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Ireland, Fionnuala Quinlan oo warqadaheeda aqoonsi u gudbisay Madaxweynaha ayaa muujisay sida ay ugu hanweyn tahay ka mid noqoshada bahda diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjiraha Jamhuuriyadda Poland, Jacek Bazanski ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Andrzej Duda, isaga oo nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiiyey Madaxweynaha.

Dhankiisa, Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhaxeeya dalalka caalamka.

MDanjireyaasha cusub AYUU ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saddex qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Beled Xaawo

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Janan uu hadda ku sugan yahay xero ciidan oo ku taal magaalada Balad-Xaawo.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:35AM

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo magacaabayo Taliyaha Ciidanka - XOG

Garowe Online ayaa si dhow ula socon doona isbedellada ku saabsan magacaabistan suurtagalka ah,waana soo gudbin doontaa wixii soo kordha.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 07:02AM