Denmark oo "safaarad" ka furaneysa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Denmark ayaa qorsheynaysa in ay "safaarad" ka furato Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Denmark ayaa lagu sheegay in tani ay qayb ka tahay xoojinta dhaqdhaqaaqooda qaaradda kheyraadka badan leh ee Afrika.

Sidda laga soo xigtay warbixinta saxaafadda, talaabada lagu furayo xafiiska ayaa waxaa lagu dhaqaaqi doonaa bilooyinka soo socda.

Bayaanka oo war-fidiyeenada loo diray ayaa waxaa lagu qeexay in uu yahay "Xafiis Mashruuc," inkasta warbaahinta gudaha ku sheegtay in uu yahay "safaarad".

Tani ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan uu Jeppe Kofod socdaal ku yimid magaaladda Muqdisho lana kulmay Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah.

Dhinacyadda ayaa isla meel-dhigay in Denmark sarre u qaado taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhanka kobcinta dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeero argagixisada iyo horumarka.

Illo xog ogaal ah ayaa qeexaya in Kofod uu u balanqaaday ra'iisul wasaare Khayre kaalmo malaayiin Doollar ah, taas oo lagu bixin doono dhinacyadda aan kor kusoo xusnay.

Denmark oo kamida daneeyeyaasha soo kabashadda dowladnimadda Soomaaliya ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku jirto dalalka xiiseynaya in ay soo saaraan shidaalka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM