Denmark oo "safaarad" ka furaneysa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Denmark ayaa qorsheynaysa in ay "safaarad" ka furato Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Denmark ayaa lagu sheegay in tani ay qayb ka tahay xoojinta dhaqdhaqaaqooda qaaradda kheyraadka badan leh ee Afrika.

Sidda laga soo xigtay warbixinta saxaafadda, talaabada lagu furayo xafiiska ayaa waxaa lagu dhaqaaqi doonaa bilooyinka soo socda.

Bayaanka oo war-fidiyeenada loo diray ayaa waxaa lagu qeexay in uu yahay "Xafiis Mashruuc," inkasta warbaahinta gudaha ku sheegtay in uu yahay "safaarad".

Tani ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan uu Jeppe Kofod socdaal ku yimid magaaladda Muqdisho lana kulmay Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah.

Dhinacyadda ayaa isla meel-dhigay in Denmark sarre u qaado taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhanka kobcinta dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah wax loogu yeero argagixisada iyo horumarka.

Illo xog ogaal ah ayaa qeexaya in Kofod uu u balanqaaday ra'iisul wasaare Khayre kaalmo malaayiin Doollar ah, taas oo lagu bixin doono dhinacyadda aan kor kusoo xusnay.

Denmark oo kamida daneeyeyaasha soo kabashadda dowladnimadda Soomaaliya ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku jirto dalalka xiiseynaya in ay soo saaraan shidaalka waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM