DF iyo maamuladda heshiis cusub ka gaarey qeybsiga dakhliga dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada ayaa ku heshiiyey in ay hab ka duwan qaabkii horey u qeybsadaan dakhliga dalka, sidda lagu sheegay war-murtiyeed.

War-murtiyeedkaas oo nuqul kamida uu arkay GO ayaa kasoo baxay Shirka Maaliyadda Waddanka oo labadii maalmood ee kasoo dhaafay ay wasiirada wasaaradahaas ku yeesheen Muqdisho.

Sidda ku cad bayaanka, guddiga farsamo ayaa loo saarey arrintaan si ay u soo bandhigaan nidaam la isla ogol-yahay, taasoo la macno ah in illaa iyo haatan ay shirka uusan kasoo bixin hanaan.

Warka qoraalka ah ayaanan lagu caddeynin waqtiga lasoo bandhigayo warbixintaas, marka laga reebo in shirka xigga uu qabsoomayo 14-ka bisha September ee sanadkan 2020-ka.

Shirkaan oo ay yeeshaan Wasiiradda Maaliyadda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayaa ah bile, waxaana diiradda lagu saaraa qodobo ay kamid yihiin hanaanka maaliyadda iyo canshuuraha.

Dhanka kale, qodobada kale ee shirka maanta lasoo xiray kasoo baxay waxaa kamid ah "in si wanaagsan oo lagu wada qanacsan yahay loo qeybsaday kabkii miisaaniyadda".

Hirgelinta nidaam canshuureed qiime ku saleysan, canshuur-qaadka oo $4  laga dhigay iyo in miisaaniyadda sanadka 2020 loosoo bandhigo qaab mideysan oo lifaaq ku cad ayaa sidoo kale kamid ah.

Hoos ka daalaco war-murtiyeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM