DF iyo mucaaradka oo ku loolamaya xulista baarlamaanka Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Iyaddoo doorashadii madaxtinimada la xusay in laaluush loo adeegsaday, haddana soo xulista baarlamaanka Koonfur Galbeed waxaa la sheegay in uu ka jiro loolanka aad u culus yahay.

Loolanka ayaa u dhaxeeya Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka oo damacsan in ay saameyn buuran yeeshaan.

Villa Soomaaliya ayaa garab ka heleysa Cabdicasiis Lafta gareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed, kaasoo doorashadiisa ay dhaqaale ku bixisay intii lagu guda doorashadii dhiiga uu ku daatay ee December, 2018.

Murashaxiin doonaya in ay kamid noqdaan Golaha Wakiilada dowlad goboleedkaas ayaa ku qulqulaya magaala madaxda ku meel gaarka ah ee Baydhabo.

Illo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in qaar kamid ah tartameyaasha ay gedaal ka riixayaan xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxtooyada Laftagareen.

Qaar kamid ah murashaxiinta ayaa ka cabanaya in loo diidey fursad ay kula kulmaan madaxweyne Laftagareen oo ay ugu baaqeen in uu dhex u noqdo dhamaan xubnaha daneynaya Xildhibaanimada.

"Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo danley ah oo kaliya doonaya cidda fulineysa dantooda ayaa caqabad ku noqonaya murashaxiinta si gaar ah dhalinyaradda wax baratay," ayuu yiri murashax.

Tiradda baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa gaareysa 95, wallow uu khilaaf xoogan ka taagnaa in la yareeyo ama la badiyo. Illaa iyo haatan ma jirto cid si rasmi ah ugu dhawaaqdey in la xaliyey.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah maamulada xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sidda weyn looga taageersan yahay nidaamka federaalka, wallow madaxda Villa Soomaaliya ay cadaadinayaan hogaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM