DF oo beenisay wararka laga faafiyey wadahadalka Farmaajo iyo Uhuru

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxay u beenisay wararka tilmaamaya in wadahadalka Farmaajo iyo Uhuru uu ku yimid cadaadiska Mareykanka iyo Itoobiya.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka ah, ayaase qiray in codsiga wadahadalka uu gudbiyey madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isagoo khadka telefoonka ugu waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, Cawad ayaa caddeeyay inay jiraan soo jeedino kaga timid "dalal aan saaxiibo nahay", wallow uusan carabaabin wadamada.

"Dalal xor ayaanu nahay, laakiin dalal aan saaxiib tihiin talo way ku siin karaan, go’aanka wuxuu ka yimid madaxda Soomaaliya iyo Kenya, codsigana wuxuu ka yimid madaxweynaheena," ayuu yiri.

Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa telefoonka kuwada hadlay todobaadkii hore kadib isku dhac ciidamo ku dhexmaray xuduudka labada dal, taasoo sababatay waxyeelo maaliyadeed.

Wargeyska Daily Nation ee Kenya ayaa daabacay in wadahadalkaas uu Farmaajo "ku qanciyey" Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaasoo fuliyey codsi kaga yimid dowladda Mareykanka.

Sikastaba ha ahaatee, hadalka Cawad ayaa wuxuu kusoo aadaya iyaddoo uu ku sugan Nairobi, halkaasoo uu ugu gogol xaarayo safar la filayo in uu Farmaajo ku tago caasimadda Kenya, maalmaha soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM