DF Soomaaliya oo diyaarad ka celisay in ay ku degto Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiil katirsan Wasaradda Duulista DF ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in hawada laga celiyay Maanta oo Sabti ah diyaarad Qaad siday oo ka timid dhanka Kenya, kuna sii jeeday Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa.

Diyaaradda ayaa xili ay ku jirto hawada lagala sameeyay xiriir Garoonka Muqdisho, oo laga maamulo hawada dalka, iyadoo lagu wargeliyay inaysan ka degi karin Somaliland, kadib markii la ogaadey inay wado wado Shixnad Qaad ah, kaasoo ay kasoo qaadey wadanka Kenya.

Waxay wararku sheegeen in diyaaradda ay dib ugu noqotay Kenya, iyadoo u hogaansantay amarka dowladda Soomaaliya.

Tallaaban ayaa kusoo aadaysa xili dhawaan DF iyo Somaliland ay heshiis ku gaareen Jabuuti, oo wadahadallo ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo labada dhinac go'aanno kasoo saareen kulamadooda.

Maamulka Somaliland wali kama hadlin diyaaradda la celiyay. Ganacsatada Qaadka Somaliland ayaa markii rabshaha ka qarxeen Itoobiya billaabay inay Qaad ka keenaan Kenya, maadaama degaanada Somaliland ay ka jirtay Qaad la'aan.

Waxaa sidoo kale jiray amar dowladda Federaalka dalka uga mamnuucday dhawaan diyaarado laga leeyahay Kenya, oo lagu eedeeyay inay jebiyeen bandowga wadanka la saarey ee la xiriirta xakameynta COVID-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM