DF Soomaaliya oo diyaarad ka celisay in ay ku degto Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiil katirsan Wasaradda Duulista DF ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in hawada laga celiyay Maanta oo Sabti ah diyaarad Qaad siday oo ka timid dhanka Kenya, kuna sii jeeday Somaliland, gaar ahaan magaaladda Hargeysa.

Diyaaradda ayaa xili ay ku jirto hawada lagala sameeyay xiriir Garoonka Muqdisho, oo laga maamulo hawada dalka, iyadoo lagu wargeliyay inaysan ka degi karin Somaliland, kadib markii la ogaadey inay wado wado Shixnad Qaad ah, kaasoo ay kasoo qaadey wadanka Kenya.

Waxay wararku sheegeen in diyaaradda ay dib ugu noqotay Kenya, iyadoo u hogaansantay amarka dowladda Soomaaliya.

Tallaaban ayaa kusoo aadaysa xili dhawaan DF iyo Somaliland ay heshiis ku gaareen Jabuuti, oo wadahadallo ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo labada dhinac go'aanno kasoo saareen kulamadooda.

Maamulka Somaliland wali kama hadlin diyaaradda la celiyay. Ganacsatada Qaadka Somaliland ayaa markii rabshaha ka qarxeen Itoobiya billaabay inay Qaad ka keenaan Kenya, maadaama degaanada Somaliland ay ka jirtay Qaad la'aan.

Waxaa sidoo kale jiray amar dowladda Federaalka dalka uga mamnuucday dhawaan diyaarado laga leeyahay Kenya, oo lagu eedeeyay inay jebiyeen bandowga wadanka la saarey ee la xiriirta xakameynta COVID-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM