DF oo durtey guddiyada Puntland iyo Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay durtay sharciyadda xubnaha ay shaaciyeen Puntland iyo Jubaland ee kamid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Wasaarada arrimaha gudaha xukuumadda muddo xileedkeeddu dhamaadka yahay ayaa shaaca ka dhigtay in aysan soo gaarin liis rasmi ah oo kaga yimid labadaas dowlad goboleed.

War-saxaafadeedka wasaaradda oo ogeysiis lagu siiyey madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ayaa lagu xusay in heshiiskii 17-kii September uu qeexayo hanaanka lagu soo magacaabayo xubnaha guddiyada.

"Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta midkoona sooma gaarin qoraal rasmi ah oo ku saabsan Magacaabista Guddiyada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed," ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta waxay mar kale ku celineysaa in guddiyadda ay shaaciyeen madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay yihiin kuwa baalmarsan hanaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyadda".

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda horey ugu tumatay fulinta heshiiskaas lagu saxiixay Muqdisho 17-kii September, 2020 markii ay guddiyada kusoo dartay xubnaha sirdoon, shaqaale rayid iyo taageereyaasheeda.

Heshiiskaas siyaasadeed oo dhigayey in maamulada ay xukuumada u gudbinayaan xubnaha ku metelaya guddiyada kuna dhawaaqayo ra'iisul wasaara ayaa xeerinayey in guddiga aysan kamid noqon karin dhinacyadaas.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM