Jubaland: "DF waxay hub iyo ciidan geysay gobolka Gedo"

Image

KISMAAYO, Jubaland - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warsaxaafadeed kasoo saartay "faragelinta iyo khal-khalka amni ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waddo gobolka Gedo".

Bayaanka ayaa lagu xusay in cawaaqib xumada ka dhalata dhibaatadaas uu masuuliyadeedda dusha saaran doono Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay qoraalkan uu arkay Garowe Online, dowladda federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay hub ku daabushay gobolka "si ay colaad qabiil uga huriso degaanadda ka tirsan gobolka".

Hogaanka dalka ayay ka dhawaajisay in ay ka dhegafureysteen baaqyada caalamiga ah ee ku aadan "in ay dib uga laabtaan talaabooyinka gurrucan ee gobolka kaga hurinayaan dagaalka sokeeye".

"Waxaa layaab leh in [madaxda dowladda federaalka] ay maalmahaan bilaabeen in ay Umadda Soomaaliyeed ku jahwareeriyaan arrimaha dowladda aan deriska nahay ee Kenya taasoo ay ku baneysanayaan qorshahooda gurracan ee qabiilka ku saleysan oo ay jabhadda ku dhisteen," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Soomaaliya iyo Kenya waxay leeyihiin xuduud dhan 850 KM, waxaa layaab leh in Kenya laga difaacayo 7 KM oo u dhaxeysa Malkaariyey iyo Baladxaawo".

Jubaland oo tibaaxdey in ay xil iska saareyso ilaalinta qaranimada Soomaaliya ayaa si cad ugu dhawaaqdey in ay "iska difaaceyso cid kasta oo wiiqeysa madax-banaanida iyo sharafta waddanka".

Villa Soomaaliya iyo agaasimaha hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa qadiyada gobolka Gedo ka damacsan in ay ku helaan kororsi iyo in ay kasoo saartaan xubno taabacsan.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM