"Xad-gudub" lagu tilmaamay warbixin laga soo saarey qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warbixin Bisha Cas iyo Laanqayeerta Cas (ICRC) kasoo saareen weerarkii 28-kii December, 2019 ka dhacay Muqdisho.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah ayaa "xadgudub" ku tilmaantay qoraalka ay hay'addahaas.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in warbixinta ay ku jiraan "erayo dhiiragelinaya argagixisadda".

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka oo uu arkay warsidaha Garowe Online, DF ayaa dooneysa in warbixintaas raaligelin laga bixiyay, lagana saaro bogagga lasoo geliyay.

Qaraxa oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa lagu dilay ku dhowaad 85 ruux oo badankooda shacab ahaa. Ururka wuxuu sheegay in uu beegsaday kolanyo Turki ah.

Ugu yaraan laba Injineer oo Turkish ah ayaa ku dhimatay weerarka oo loo adeegsaday gaari xamuul ah. Badi dadka geeriyooday waxay ahaayeen arday.

Is-miidaaminta ayaa soo shaac-bixisey jahwareerka ka jiray hay'adda dowladda markii madaxweynuhu ku eedeeyay Al-Shabaab, halka hay'adda sirdoonku shaacisay in qorsheynta falkaas uu lahaa dal shisheeye.

BAYAANKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM