"Xad-gudub" lagu tilmaamay warbixin laga soo saarey qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warbixin Bisha Cas iyo Laanqayeerta Cas (ICRC) kasoo saareen weerarkii 28-kii December, 2019 ka dhacay Muqdisho.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka ah ayaa "xadgudub" ku tilmaantay qoraalka ay hay'addahaas.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu sheegay in warbixinta ay ku jiraan "erayo dhiiragelinaya argagixisadda".

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka oo uu arkay warsidaha Garowe Online, DF ayaa dooneysa in warbixintaas raaligelin laga bixiyay, lagana saaro bogagga lasoo geliyay.

Qaraxa oo ay Al-Shabaab sheegatay ayaa lagu dilay ku dhowaad 85 ruux oo badankooda shacab ahaa. Ururka wuxuu sheegay in uu beegsaday kolanyo Turki ah.

Ugu yaraan laba Injineer oo Turkish ah ayaa ku dhimatay weerarka oo loo adeegsaday gaari xamuul ah. Badi dadka geeriyooday waxay ahaayeen arday.

Is-miidaaminta ayaa soo shaac-bixisey jahwareerka ka jiray hay'adda dowladda markii madaxweynuhu ku eedeeyay Al-Shabaab, halka hay'adda sirdoonku shaacisay in qorsheynta falkaas uu lahaa dal shisheeye.

BAYAANKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM