DF oo ka gaabsatay "Raaligelin" Farmaajo ka bixiyey dhiibistii Qalbi-Dhagax

Image
Image

ASMARA, Eritrea - Sawiradii ugu horeeyay ayaa laga helay Kulan gaar ah oo Shalay magaalada Asmara ee xarunta Eritrea ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo ee dalkaasi booqasho 3-maalin ku jooga iyo madaxa ONLF, Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Kulankan oo ahaa mid aan horey loo qorsheyn sida uu sheegay Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, looga hadlay go'aankii dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ay Qalbi Dhagax ugu gacan gelisay Eithiopia sanadkii tagey.

Admiral Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu raali-gelin ka siiyay tallaabadii lagu dhiibay Qalbi Dhagax oo kamid ah Saraakiisha ONLF kaasoo bishii lasoo dhaafay laga soo daayay xabsi ku yaalla Addis Ababa.

Laakiin, Wasiirka Warfaafinta ayaa ka gaabsaday inuu fahfaafin ka bixiyo raaligelinta uu Farmaajo ka bixiyay Kiiska Qalbi Dhagax, balse waxuu xaqiijiyay inuu jiro Kulanka ay labada dhinac ku yeesheen Asmara, oo looga hadlay arinta Qalbi Dhagax.

Wasiirka ayaa xusay in Kulanka Farmaajo iuo Madaxa ONLF wajigiisa koowaad ay kala qeybgaleen mas'uuliyiin isaga uu kamid ahaa, balse wajiga labaad ay isku hareen Madaxweynaha iyo Admiral Maxamed Cumar Cismaan, kaasoo Albaabada u xirnaa.

Hadalka Wasiirka oo jawaab u ah midkii mar sii horeysay kasoo yeeray Gudoomiyaha ONLF ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo xiisadda ka dhalatay dhiibitaanka Qalbi Dhagax ay ku noqotay Farmaajo dharbaaxo siyaasadeed oo maamulkiisa ku dhacday.

Qalbi Dhagax oo bishii hore dib ugu helay xorriyadiisa kadib cafis uu u fidiyay Abiy Axmed ayaa dhowr munaasabadood oo uu ka sameeyay hadal-jeedin ayaa wuxuu afka ku balaariyay inay Eithiopia u gacan-gelisay xukuumaddauu hogaamiyo Khayre.

Admiral Maxamed Cismaan, Madaxa ONLF ayaa horey usoo noqday Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu xubin kasoo noqday xisbigii Kacaanka dowladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM