DF oo ka jawaabtay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Eritrea

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka markii ugu horeysay waxay hadashay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Eritrea.

Qaar kamid ah saxaafadda maxaliga ah ayaa warisay in xukuumadda talada haysa ay askar u dirtay Eritrea si ay tababar ugu soo qaataan.

Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe], wasiirka difaaca Soomaaliya, ayaa Isniinta maanta ah gaashaanka ku dhuftay warbixinadaas.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay fadhiga Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah, halkaasoo su'aallo lagu waydiiyey.

"Eritrea annaga ciidan uma aanan dirin, koley ma garan karo su'aashaan meel aan wax ka qabto," ayuu kaga fal-celisay su'aashaasi oo uu hor-dhigay Xildhibaan.

Dhinaca kale, wasiir Amar-dambe ayaa meesha ka saarey in Xoogaga Wadaniyiinta ay ka tirsan yihiin Ciidamadda Qalabka Sidda.

"Xoogaga Wadaniyiinta waxaan filayaa Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed kuma aqaano, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigaan ahay meel ay ku qoran yihiin ama aan ku xukumo ama aan kaga hadli karo ma jirto," ayuu yiri.

Xoogaga Wadaniyiinta oo la aas-aasey markii uu Farmaajo xafiiska yimid ayaa lagu sheegay "dad abaabulan, oo taageera xukuumadda lana hubeeyay bilooyinkii dambe".

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM