DF oo ka jawaabtay wararka sheegaya in qof labaad uu u dhintay Covid-19
MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah kaga jawaabtay wararka sheegaya in bukaan labaad uu magaaladda Muqdisho ugu geeriyooday fayruska Corona.
Maxamed Saciid Cabdullaahi, wasiir ku xigeenka wasaaraddaas oo u waramay Telefishinka Shabelle, ayaa wax laga waydiiyey arrintaas.
"Waa jiri karaan, dad badan oo xanuunsan ayaa jooga Isbitaalada waddanka. Qofka siyaabo badan baa loo heyn karaa, calaamado calaamadahaan lamid ahna wuu yeelan karaa, waxa kaliya oo aan ku kala caddeyno waxay tahay annagoo dheecaanada qaadna sheybaarka la geeyo la ogaado," ayuu kaga jawaabay.
Wuxuu raaciyey: "Annaga kiiska nooma diiwaan-gishana, oo laab ahaan ma aanan caddeynin. Taa macnaheedu ma ahan in uusan u dhiman ma dhihi karno, ilaahey baa og. Laakiin, xaqiiqda jirtaa waxay tahay cudurka, sidaas aragteen wuu ka jirtaa waddanka, waa laga yaabaa, waa sideen ka yeelnaa un? dad badanna way u dhiman doonan haddii Ilaahey uu u qoray in ay ku baxaan, marka si khatartaas iyo culeyskaa isaga yareyno sideen uga hortagnaa baan ka shaqeyneynaa wali.
Bukaanka lasoo wariyey in uu saaka u dhintay cudurka Covid-19 ayaa lagu waramay in uu ku jiray Isbitaalka Recep Tayip Erdogan, Ex-Digfeer, kaas oo haatan ay si buuxda u maamusho Dowladda Turkiga.
Saraakiil ka tirsan Isbitaalka oo si hoose ula hadlay Garowe Online ayaa xusay in markii ay la xiriireen xarunta karan-tiilka ee Martiini loo sheegay in aysan qaabili karin bukaanka, qalabkana uu ku yar-yahay.
Mar wax laga waydiiyey in aysan haysan qalab ku filan, wasiir Cabdullaahi wuu qiray, isagoo dadweynaha ku booriyey "in ay si naxariis-darro ah ula dagaalamaan cudurka ayna qaataan talooyinka caafimaad".
Kiisaska la xaqiijiyey gudaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayaa gaaraya 12. Shaqsiyaadka uu soo ritay laba kamid ah waa saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka ee jiidda hore uga jira la tacaalida.
Sidda ay ku warameen illo xog-ogaal ah, tani ayaa keentay in dhamaan howlwadeenada la shaqeeyay xubnahaas ay karan-tiil iyo baaritaan maraan, iyaddoo qorshuhu yahay in lasoo bandhigo natiijadooda.
Saadaalin ay sameysay Wasaaradda ayaa muujisay in maalmaha soo socda ay soo bixi doonan kiisas tirro badan, iyaddoo dowladda ay qorsheyneyso in ay soo rogto go'aan adag oo lagula dagaalamayo faafitaan horleh.
GAROWE ONLINE