DF oo ka warbixisay howlgal lagu beegsaday saraakiil Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay howlgallo ay shaacisay in laga fuliyey gobolka Jubadda Hoose.

Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa qaadey howlgaladda, sidda ay sheegtay Wasaarada Warfaafinta.

Wallow aan la xusin waqtiga, howlgaladda ayaa ka dhacay degaanadda kala ah; Beerxaani, Janaay Cabdalla, Kuuba Kibir iyo Birta Dheer.

Sidda lagu caddeeyay bayaanka Wasaaradda, howlgaladda ayaa lagu dilay Maxamed Xuseen [Abuu Muxsin], oo qaraxyadda qaabilsanaa.

"Sidoo kale, waxaa nolosha lagu soo qabtay horjoogihii u qaabilsanaa Maaliyadda, Cabdi Dheere," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhanka kale, ma jiro wax jawaab ah oo ku aadan sheegashadda xukuumadda federaalka ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay milatariga Soomaaliya ayaa gobolada kala duwan ee waddanka kawaday howlgalo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM