DF oo ka warbixisay howlgal lagu beegsaday saraakiil Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay howlgallo ay shaacisay in laga fuliyey gobolka Jubadda Hoose.

Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa qaadey howlgaladda, sidda ay sheegtay Wasaarada Warfaafinta.

Wallow aan la xusin waqtiga, howlgaladda ayaa ka dhacay degaanadda kala ah; Beerxaani, Janaay Cabdalla, Kuuba Kibir iyo Birta Dheer.

Sidda lagu caddeeyay bayaanka Wasaaradda, howlgaladda ayaa lagu dilay Maxamed Xuseen [Abuu Muxsin], oo qaraxyadda qaabilsanaa.

"Sidoo kale, waxaa nolosha lagu soo qabtay horjoogihii u qaabilsanaa Maaliyadda, Cabdi Dheere," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhanka kale, ma jiro wax jawaab ah oo ku aadan sheegashadda xukuumadda federaalka ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay milatariga Soomaaliya ayaa gobolada kala duwan ee waddanka kawaday howlgalo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM