DF oo Kenya iyo Interpol ka dalbatay in ay gacanta ku dhigaan Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah waxay shaacisay in ay rasmi ah u dalbatay balwo [waaran] caalami ah oo lagu soo xirayo wasiir Cabdirashiid Janan.

Taliska Booliska ayaa war qoraal ah ku sheegay in sidoo kale ay Booliska Caalamka ah ee Interpol u gudbiyeen codsiga ku saabsan in lasoo xiro Wasiirk Amniga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Dowladda deriska ah ee Kenya ayaa war-saxaafadeedka lagu waydiistay in ay gacanta ku dhigaan Janan, oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Nairob.

Janan ayaa maanta ka degay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo la sheegay in uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo mas'uuliyiinta gobolka iyo dadka degaanka.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dalab ka dhan ah mas'uulka loo gudbiyey Kenya. Hay'adda Amneysta waxay codsatay in la qabto Janan isla markaana loo gacan-geliyo Dowladda Soomaaliya.

Hay'addan u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay "in aysan caqli gal ahayn" in Janan uu ka baxsado cadaaladda "maadaama lagu tuhunsan yahay dambiyo culus".

Xukuumadda Muqdisho ayay ku boorisay in isla markiiba uu soo galo gacanteeda ay maxkamadeyntiisa ka dhigto mid daahfuran oo aanan marnaba dib loo dhigin.

Bishii August 2019, Janan ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo ka yimid Doolow kuna sii jeeday caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

28-kii Janaayo 2020, booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in Janan uu ka baxsadey goobtii uu ku xirnaa oo ku dhow xarunta Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya.

31-kii Janaayo 2020, maamulka Jubaland ayaa xaqiijiyey in Janan uu doon ku tegay magaalada Kismaayo, wuxuuna isla maalintaas uu diyaarad qaas ah ugu soo gudbay Kenya "si lo hubiyo caafimaadkiisa".

Hoos ka akhriso qoraal kasoo baxay Booliska

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM