DF oo gobolka Gedo "u xawishay fashilka siyaasadeeda Jubaland"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gobolka Gedo ayaa haatan dhibane u ah olole ka dhashay guuldarada siyaasadda dowladda Farmaajo ee Jubaland, sidda ay sheegeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sharci-dejiyeyaashaan oo degaan-doorashadoodu tahay gobolkaas ayaa ka digay sii socoshada faragelinta xukuumadda federaalka.

Mudaneyaasha oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in laga hor istaagey in ay u socdaalaan gobolkaas ay metelaan.

Talaabadaas ayay ku eedeeyeen in ay mas'uul ka yihiin xafiisyadda madaxweyne Farmaajo, ra'iisul wasaare Khayre iyo taliyaha sirdoonka.

Xawilaad

Xildhibaan Cabdullaahi Alankay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay gobolka Gedo "u xawishay guuldaradda kasoo gaartay siyaasadeeda Jubaland" halkaasna ay ka abuureyso colaad iyo fowdo horleh.

"Waxaas oo dhan waxaa mas'uul ka ah hal qof oo aan xil hayn mana naqaano waxaan kula xisaabtano, balse wuxuu amar ka haystaa xafiisyadda madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo taliyaha sirdoonka," ayuu yiri.

Alankay ayaa cambaareeyay saraakiil ciidan oo uu kamid yahay Taliyaha Ciidamadda Lugta oo dhowaan u socdaalay Gedo "si ay u sii huriyaan dhibaatada ay maleegayso dowladda federaalka".

Bini'aadanimada

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka digay in dhaqdhaqaaqyadda xukuumadda ay uga sii daraan xaaladaha bini'aadanimo ee ka jira gobolka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in miiska wada-hadalka la fariistaan madaxda.

"Gedo wuxuu kamid yahay gobolada aanan ka faa'iidiin maamuladii hore, waxaana ka jirta xaalado bini'aadanimo, wuxuu ku jiraa go'doon, ma aqbalayno in shacabka laysku diro oo colaad laga huriyo".

Guddoonka Golaha Shacabka ayuu ku booriyey in uu wax ka qabto xayiraada ay la kulmayaan xubnaha doonaya in ay tagaan gobolada laga soo doortay.

"Kor uga bax"

Xildhibaan Axmed Ibraahim Daqare oo sheegay in dowladdu "leexsatay" ciidamo loo wadday in ay Gedo ka difaacaan Al-Shabaab ayaa xusay in qeybtooda ay u goosteen maleeyshiyaadka.

Madaxweyne Farmaajo oo uu ku waaniyey "in uu kor uga baxo" gobolka Gedo ayuu u sheegay "in hadii ay xaajo ka falanto" ay diyaar u yihiin in ay dhex-dhexaadiyaan isaga iyo mas'uuliyiinta Jubaland.

"Hadii uu doonayo xoog, dalkaan xoog kama shaqeynaayo, waa nidaam federaal," ayuu ka dhawaajiyey. "Farmaajo wuxuu leeyahay waxaan qabsanayaa degmooyin isagoo New York ku sugan laga xoreeyay Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM