DF Soomaaliya oo Al-Shabaab "dib ugu beereysa" dhulalkii laga saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu Sunna, ayaa shaaca ka qaadey in dowladdu "dib ugu beereyso Al-Shabaab dhulalkii laga saarey".

Hadalkaan ayaa imaanaya iyaddoo maalmihii lasoo dhaafay ay Dhuusamareeb ka dhaceen qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac, dhacdooyinkaas waxay naadir ka yihiin degaanada maamulka.

War-saxaafadeed uu Shaakir soo saarey oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayuu si cad daaha uga rogay in arrintaas ay tahay wax aysan u dulqaadan karin Ahlu Sunna Waljameeca.

Dhanka kale, maamulka Villa Soomaaliya ka dhisatay Dhuusamareeb ee uu hogaamiyo Axmed Qoor-qoor ayuu ku sheegay in lagu galayo doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee 2020-21.

Beesha Caalamka ayuu ku waaniyey in aysan aqoonsaneyn maamulkaas. Mareykanka ayaa mar sii horeysay taageeray, wallow uu cambaareyn kala kulmay saamileyda dowlad goboleedka.

Gole ilaaliya federaalnimada iyo doorashooyinka dowlad goboleedyadda ayuu soo jeediyey in la aas-aaso inta waddanku ka noqonayo mid aad u xasiloon isla markaana degan, siyaasad ahaan.

Ugu dambeyntii, wuxuu ammaan u jeediyay dhamaan dhinacyadda ka qeyb-qaadanaya baacsiga argagixisadda Al-Shabaab, isagoo carabaabay Mareykanka, Turkiga iyo howlgalka Midowga Afrika.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM