DF oo lagu eedeeyay in ay "gumeysi kawado" Hiiraan

Image

BELEDWAYNE, Hiiraan – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xeeladihii looga bartay gumeysiga kawada gobolka Hiiraan si ay u caburiso shacabka aragtidooda cabiraya, sidda uu sheegay Wasiirkii hore ee Waxbarashadda dalka.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ah ay gaartey go'aan in ay cunada iyo shaqada ka joojiso daweynaha.

"Hiiraan waxay gashay mar-xalad cusub. Waxaa muuqata in xukuumadda dhexe ay gaartey go'aan cusub oo ah in Ummadda la caburiyo, waxaa muuqata in ay gaareen go'aan ah in ay isticmaalaan xeeladihii isticmaarku isticmaali jireen oo ah; bandow hala geliyo, cunada ha laga joojiyo, shaqada laga joojiyo, waa wax shalay Beledwayne ka bilowday, waa wax Ummadda kala irdheeyay waa wax dhibaato intaa ka badan na dhaxal-siin doonto hadaan caqligu shaqeyn," ayuu ku yiri muuqaal uu soo duubay Goodax Barre.

Madaxda dowladda federaalka ayuu ugu baaqay in ay ka waantoobaan "ciqaab wadareedka ay ku hayaan dadka Hiiraan" iyo in ay Beledwayne ka dhigaan "xabsi kor ka furan" arrintaas oo uu xusay in "lagula xisaabtami doono".

Cawaaqib-xumo kasta oo ka dhasha talaabooyinkaas oo uu tusaale ahaan u soo qaatay dhimasho ayuu ka dhawaajiyey in ay mas'uuliyadeeda qaadayaan laguna maxkamadeyn doono mas'uuliyiinta dowladda federaalka ah.

"Hadii ay is leeyihiin dalkan maxkamad kama jirto waa in ay ogaadaan in aan laga hari doono waana in ay ka waantoobaan inta ay goori-goor tahay," ayuu hadalkiisa ku daray Goodax Barre.

Sidda laga soo xigtay Goodax Barre, dhibaatooyinka ay madaxda waqtiga kasii dhacayo kawadaan gobolada Hiiraan, Banaadir iyo Gedo ayaa ujeedkoodu yahay "sidii loogu booby lahaa kursiga uu ku fadhiyo madaxweyne Farmaajo".

"Dhibaatooyinkaas waxay u daneynayaan Al-Shabaab. Waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegayaa in cidii ka qeybgasha ay Al-Shabaab tahay maadaama qofkii sameeya wixii u daneynaya Al-Shabaab uu ayagu xiriir la leeyahay," ayuu hadalkiisa ku daray Goodax Barre oo luuqad adag isticmaalay.

Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayuu uga digay in ay ku dhex-milmaan siyaasadda isaga oo ku tartarsiiyey in ay doorka dhexdhexaadnimada ku ekaadaan.

Tan iyo markii uu iska dhex-waayey Golaha Wasiiradda cusub ee Soomaaliya kadib markii Xasan Cali Khayre uu is-casilay, Goodax Barre ayaa bilaabay in uu dhaliilo dowladda Farmaajo oo kalkii hore uu kamid ahaa xubnihii warbaahinta sidda adag uga difaaci jiray markii ay xil ka hayeen xukuumadda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa looga bartay in ay duraan maamulka xilligaas waddanka hogaaminaya marka aysan kamid ahayn. Balse kalkii ay ku biiraan waxay isku-dayayaan in ay ku difaacaan khalad walba oo dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM