DF oo looga digay in ay doorasho qabato la'aanta Jubaland iyo Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda waa in ay ka digtoonaadaan isku day kasta oo ay doorashooyin ku qabanayaan ayaga oo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubaland, sidda ay ka dhawaajiyeen mas'uuliyiin kala duwan.

Puntland iyo Jubaland ayaan wali gudbin qaar kamid ah xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka sababo ku aadan qadiyada gobolka Gedo iyo xukuumadda oo baalmartay heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, madaxweyne Farmaajo ayaa ku fekeray in Galmudug, HirShabelle iyo Galmudug ay bilaabeen xulista Xildhibaanadda isla markaana laga maarmayo maamulada kale.

Hasa ahaatee, Cabdi Xasan Cali, Xildhibaan Golaha Shacabka oo u waramay VOA-da, ayaa ka digay talaabadaas wuxuuna ku waaniyey Farmaajo in uusan ka shaqeyn kala-taga dalka una xuubsiibto isu keenida waddanka.

"Puntland iyo Jubaland oo guddigii keenin haddey dowladdu tiraahdo doorasho ayaan qabanayaa, caqli miyaa taas? Madaxweynaha dalkan waa in uu nabadoon noqdaa; waxaa looga baahan yahay in uu bakooradiisa qaato oo tuulo kasta uu tago iskuna keeno Umadda," ayuu hadalkiisa ku daray mudanaha.

Murashaxiinta madaxtinimadda ayaa sheegay in xubnaha ay soo xuleen Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay ku yimaadeen rabitaanka Villa Soomaaliya isuguna jiraan askar, shaqaale iyo taagereyaal.

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee sirdoonka Soomaaliya oo xaqiijiyey in askarta ay ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka, ayaa xusay in Puntland iyo Jubaland ay miisaan culus ku leeyihiin baarlamaanka.

"Puntland iyo Jubaland 102 [mudane], hadaan qaldaneyn, ayay ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya waa miisaan culus. Hadii dowladda tiraahdo waan waddeynaa shaqada ayaga oo maqan waxay muujineysaa calaamad boob iyo ixtiraam darro ah [taasoo wiiqeysa] waxa lagu heshiiyey ama lagu heshiin karo," ayuu u sheegay Barnaamijka Faaqidaada ee VOA Soomaali.

Muddo xileedka dowladda haatan jirta ayaa dhamaanaya 8-da Febraayo, halka baarlamaanka uu xilkiisa ku eg-yahay bishaan December, 2020. Jadwalka doorashadda ee lagu heshiiyey wuxuu dib u dhacay tirro laba jeer.

Hadii ay fashilmaan dedaalada haatan lagu goobayo xalka, waxay su'aal gelineysaa in waddanka uu qaab nabdoon uga baxayo mar-xaladda kala guurka, waxaana cawaaqibkeeda ay dusha ka fuuleen maamulka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM