DF oo madaxtinimada Baarlamaanka Aduunka ka door bidday xubanimada bulshada Bariga Africa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka hadlay mushraxnimada Soomaaliya ee xilka madaxtinimada Baarlamaanka Aduunka ay u taagnayd Xidhibaan Marwa Cabdi Bashiir iyo khilaafka kala dhaxeeyay guddoonka Baarlamaabka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS ay ku dhawaaqday inay taageerayso musharaxa Tanzania horaantii sanadkan, ka hor inta ay isi soo taagin Xildhibaan Marwa.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha, Dowladda Federaalka ayaa Tanzania ka heshay ballan qaad in ay taageerayso codsiga Soomaaliya ee ku biirista Bulshada Bariga Afrika.

Heshiiskan ayaa sababay khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay guddoonka baarlamaanka iyo musharaxa Soomaaliya ee xilkaas u taaganayd Marwa Cabdi.

Inkastoo Baarlamaanku soo saaray warqad uu kaga laabanayo musharaxnimadeeda, Marwa Cabdi ayaa ku adkaysatay ka qaybgalka Tartanka.

Shalay ayay aheyd markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada Baarlamaanka Adduunka, waxaana kursiga ku guuleysatay Tulia Ackson oo matalaysay dalka Tanzania kadib markii ay heshay 172 cod, halka Marwa oo ku soo baxday kaalinta ugu dambeysay ay heshay 11 cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM