DF oo mamnuucdey dadka ka imaanaya dalalka laga helay COVID-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay mamnuucqdey duulimaadyadda dhamaan dalalka uu saameeyay caabuqa Coronavirus.

Rakaabka ka imaanaya Shiinaha, Iiraan, Jamhuuriyadda Kuuriya, Talyaaniga iyo dalka kale ayaa laga xanibay in ay dalka soo galaan muddo 14-maalmaamood ah.

Go'aankaan ayaa la xiriira si looga hortago cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, sidda lagu sheegay qoraal nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

Hay'adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed ayaa fariintaas u dirtay dhamaan shirkadaha duulimaadyada caalamka.

Tani ayaa imaaneysa xili afar muwaadin oo ka yimid Shiinaha lagu hakiyey garoonka Muqdisho isla markaana loo diray dibadda si loo baaro hadii ay la nool yihiin xanuunkaas.

Xukuumada ayaa mar sii horeysay u sheegtay shirkadaha diyaaradaha in aysan soo qaadi karin rakaabka dalalka laga helay COVIDー19, talaabadaas oo qaarkood ay dhaqan-geliyeen.

Wasaaradda caafimaadka federaalka ayaa soo jeedisay in shaqaalaha dowladda iyo dadka shacabka ay joojiyaan safarada dibadda ee muhiimka aan ahayn si lamid ah taxadar dheeri ah.

Qoraalka Hay'adda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM