DF oo shaacisay "arrimo kasoo kordhay" dacwadda badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay soo bandhigtay "arrimo kasoo kordhay" dacwadda badda ee kala dhaxeysa waddanka Kenya.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda waqtigeedu dhamaadey Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay codsatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska.

"Waxaa nagala xaday, bay yiraahdeen, maap muhiim noo ahaa oo aan u maleynayo in uu gacanta u galay dadka aan is-hayno, arrintaas oo ah quraafaad," ayuu Dubbe ku daray hadalkiisa.

Sidda laga soo xigtay wasiir Dubbe, Kenya ayaa sidoo kale waxay ku doodeysaa in aysan Soomaaliya ka jirin dowlad sharci ah maadaama muddo xileedkii xukuumadda uu dhamaadey.

Mr Dubbe ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda uu ka tirsan yahay ay gabi ahaanba kasoo horjeesatay codsiga xukuumadda Nairobi ayna warqad u direen Maxkamadda Cadaalada Aduunka.

"Hadii dhageysiga dib loo dhigo waxay dhabar-jab ku tahay cadaaladda aduunka," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo u muuqda mid uga digaya ICJ in ay mar kale baajiso go'aan ka gaarista kiiska.

Bisha Maaj ee sanadkan 2021 ayaa loo balansan-yahay in ay ICJ dib u bilowdo dhageysiga dacwadan oo Soomaaliya ay gudbisay 2014-kii kuna saabsan aag ay ku jiraan kheyraad dabiici oo shidaal ah.

Inkasta oo Soomaaliya ay soo bandhigtay mowqifkeeda diidmadda, haddana go'aanka kama dambeysta ah waxaa iska leh maxkamadda taas oo horey saddex jeer dib ugu dhigtay soojeedinta Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM