DF oo shaacisay mowqifkeeda safarka Biixi ee Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay mowqifkeeda socdaalka wafdiga Somaliland ee uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tageen magaala madaxda Kenya ee Nairobi.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, wasiirka arrimaha dibadda oo si furan u shaaciyey in ay kasoo horjeedaan safarkaas, ayaa ku qeexay "mid kamid ah faragelinta ay xukuumadda Nairobi ku hayso Soomaaliya".

Sidda laga soo xigtay wasiir Maxamuud, dowladda Kenya oo iska fogeysay eedeymaha xukuumadda Muqdisho, ayaa "aqoonsan lahayd" gooni-isu-taaga Somaliland "hadii ay baalmari karto Axdiga Midowga Afirka".

"Arrintaas [socdaalka wafdiga Somaliland ee Kenya] ma soo dhaweynayno, waa arrin aan kasoo horjeedno, waana faragelinta aan ka hadleyno. Kenya hadii ay baalmari karto Axdiga Midowga Afrika, waaba aqoonsan lahayd [Somaliland]. Buunbuuninta la siiyey Muuse Biixi waxay tusineysaa sidda waddankeena duulaanka loogu yahay iyo in berrina ay buunbuunin karto soona dhaweynsan karto gobol kale oo Soomaaliyeed. Marna ma ogolaaneyno kala qeybinta Soomaaliya," ayuu u sheegay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Wafdiga uu horkacayo Biixi ayaa la kulmay hogaamiyaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Bayaan wadajir ah oo ay maanta soo saareen waxay kusoo bandhigeen tobban qodob oo ay tilmaameen in ay si wada ogol ah uga heshiiyeen.

Itoobiya v Kenya

Dhanka kale, wasiir Maxamuud ayaa ka jawaabay su'aasha ah farqiga u dhaxeeya socdaalka Muuse Biixi Cabdi ku tegay Kenya iyo safarkiisii Itoobiya.

"Waxay ku kala duwan yihiin ayaan kuu sheegayaa; Itoobiya waxay rabtay kana shaqeysay in wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland dib loo bilaabo iskuna soo dhaweyso, halka Kenya ay kala qeybineyso. Qof kasta oo Soomaali waxgarad ah wuu garan karaa talaabooyinka ay qaadeyso ujeedada ay ka leedahay. Madaxda dowlad goboleedyada way tagaan Itoobiya wax dhib ahna kuma qabto dowlada Soomaaliya. Laakiin marka siyaasi aad u soo dhaweyso sidda mid ka go’ay Soomaaliya oo kale wax aan aqbali karno ma ahan," ayuu xusay.

Itoobiya oo xuduud la leh Somaliland waxaa Hargeysa u jooga wakiil kaasoo muwaadiniinta Addis Ababa u fududeeya shaqooyin dhowr ah. Sidoo kale, waxaa labada dhinac ka dhaxeeya xiriir dhanka amniga iyo ganacsiga.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ee muddo xileedkeeda dastuuriga uu dhamaadka yahay ayaa gacansaar dhow la leh maamulka Abiy Axmed ee ka arimiya Itoobiya iyaga oo isla wada qorshaha Isdhexgalka gobolka.

Colaadda Tigray

Xukuumadda Abiy ayaa ku duushay ismaamulka waqoyga dalkaas dhaca ee Tigray halkaasoo ay ka saartey xoogaagii xukumayey ee TPLF. Dowladaha caalamka waxay mowqif iska taageen colaadas boqolaalka naf galaafatay.

Dowladda Soomaaliya, sidda laga soo xigtay wasiir Maxamuud, waxay si buuxda ugu sacabo-tumeysaa gulufka uu Abiy ku qaadey dowlad goboleedka.

"Mowqifka dowlada Soomaaliya waa in ay isgarab taagto dowladda iyo shacabka Itoobiya, waana garab-taaganahay," ayuu kusoo xiray hadalka.

Axmed Ciise Cawad, wasiirkii xilka kaga horeeyay Maxamuud, waxaa galaafatay xiisaddan ka gedaal markii uu kasoo saarey warqad uu Abiy u arkay in lagu soo qoray "luuqad dabacsan" isla markaana Farmaajo ku andacoodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baanka Aduunka oo si adag ugu goodiyay Dowladda Soomaaliya

Xukuumadda Muqdisho ayaa loo qabtey in illaa dhamaadka bishan soo gudbiso warbixin laga rabo.

  • Soomaliya

    29-03-2024

  • 04:30AM

Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 12:12PM