DF oo shuruud ku xirtay kasii mid ahaanshiyaha iskaashiga gobolka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in hadii aan Jabuuti lagu soo darin isbaheysiga saddex-geesoodka ah ee gobolka aysan kasii mid ahaan doonin iskaashigaas.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la hadlay Telefishinka Universal madaxweynaha dalka, ayaa si rasmi ah kaga dhawaajiyey hadalkaas.

Dalalka kala ah; Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa shirar ay ku yeesheen Addis Ababa iyo Asmara ku aas-aasey golaha.

Kulankii u dambeeyay oo bishii hore ka dhacay caasimadda Eritrea ee Asmara ayay isku raaceen ay ku sameystaan urur cusub.

Farmaajo ayaa daaha ka rogtay in madaxda dalalka kale uu ku cadaadiyey in Jabuuti lagu soo biiriyo ururka.

"Runtii kulankaas wax badan ayaan iskula jexjeexnay. Anaga waxaanu niri hadii aan Jabuuti lagu darin kasii mid ahaan meyno. Aniga ayaana aad uga shaqeeyay arrintaas," ayuu caddeeyay.

Jabuuti iyo Kenya oo ah dalal dhaca Geeska Afrika ayaa mar sii horeysay isaga diidey in ay ku biireen iskaashigaas.

Sababaha ugu weyn waxaa lagu qeexay; Kenya oo xiisad badda ah ay kala dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti oo isqabqabsi xuduudka ah uu kala dhaxeeyo Eritrea halkaasoo ciidamo isku hor-fadhiyaan.

Soomaaliya waxay diidey in ay wadahadalo ka gashay kiiska, halka Jabuuti iyo Eritrea ay socdaan dedaalo lagu soo afjarayo xasaradaas.

Diblumaasiyiinta ayaa ku sifeeyay ururka cusub oo ay aas-aasayaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea in uu lamid yahay urur goboleedka IGAD, kaasoo sanadkan muran uu hareeyay scidda hogaanka u noqoneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM