DF oo shuruud ku xirtay kasii mid ahaanshiyaha iskaashiga gobolka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in hadii aan Jabuuti lagu soo darin isbaheysiga saddex-geesoodka ah ee gobolka aysan kasii mid ahaan doonin iskaashigaas.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la hadlay Telefishinka Universal madaxweynaha dalka, ayaa si rasmi ah kaga dhawaajiyey hadalkaas.

Dalalka kala ah; Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa shirar ay ku yeesheen Addis Ababa iyo Asmara ku aas-aasey golaha.

Kulankii u dambeeyay oo bishii hore ka dhacay caasimadda Eritrea ee Asmara ayay isku raaceen ay ku sameystaan urur cusub.

Farmaajo ayaa daaha ka rogtay in madaxda dalalka kale uu ku cadaadiyey in Jabuuti lagu soo biiriyo ururka.

"Runtii kulankaas wax badan ayaan iskula jexjeexnay. Anaga waxaanu niri hadii aan Jabuuti lagu darin kasii mid ahaan meyno. Aniga ayaana aad uga shaqeeyay arrintaas," ayuu caddeeyay.

Jabuuti iyo Kenya oo ah dalal dhaca Geeska Afrika ayaa mar sii horeysay isaga diidey in ay ku biireen iskaashigaas.

Sababaha ugu weyn waxaa lagu qeexay; Kenya oo xiisad badda ah ay kala dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti oo isqabqabsi xuduudka ah uu kala dhaxeeyo Eritrea halkaasoo ciidamo isku hor-fadhiyaan.

Soomaaliya waxay diidey in ay wadahadalo ka gashay kiiska, halka Jabuuti iyo Eritrea ay socdaan dedaalo lagu soo afjarayo xasaradaas.

Diblumaasiyiinta ayaa ku sifeeyay ururka cusub oo ay aas-aasayaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea in uu lamid yahay urur goboleedka IGAD, kaasoo sanadkan muran uu hareeyay scidda hogaanka u noqoneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM