DF oo taageertay baaritaanka Xeer ilaalinta Sacuudiga ee dilka Khashoggi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweysay baaritaanka Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Boqortooyadda Sacuudiga ee ku saabsan dilka Wariye Jamal Khashoggi.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in baaritaanka uu shaaciyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Sacuudiga uu yahay tallabaabo loo qaadey in lagu soo bandhigo xaqiiqda kiiska dilka Suxufiga.

Dowladda Federaalka ayaa daboolka ka qaadey inay taageersan tahay qaabka Sacuudiga u wajahayso arinta dilka Jamal Khashoggi, kaasoo 2-dii bishii lasoo dhaafay lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

"Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa baaritaanka uu ku dhawaaqay xafiisk Xeer Ilaaliyaha guud ee boqortooyadda Sacuudiga iyo dadka loo xiray kiiska dilka Wariye Jamal Khashoggi," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka DF.

Dowladda Federaalka ayaa codkeeda ku biirisay dowladaha Carabta ee midnimada u muujiyay Sacuudiga, oo iska diiday isku-day kasta oo lagu siyaasadeynayo Kiiska Wariye Khashoggi, oo ahaa Suxufi u dhashay Boqortooyadda oo la dilay bishii lasoo dhaafay.

Teegaaradda DF ayaa timid kadib markii CIA-da Mareykanka shalay soo saartey warbixin cusub oo ay ku eedeysay ninka leh dhaxalka boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salman inuu yahay shaqsiga bixiyay amarka lagu dilay Khashoggi.

Villa Somalia ayaa mudooyinkii dambe taageero isdaba joog ah u muujinaysay Sacuudiga, si ay u hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya boqortooyadda, iyadoo doonaysa in dalkan carbeed uu soo celiyo taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray, oo la hakiyay markii Xukuumadda Khayre ay dhex-dhexaad ka noqotay Khilaafka Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM