DF Soomaaliya oo aqoonsatay baarlamaanka HirShabelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsatay Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle xilli ay jiraan eedeymo ku saabsan in ay faragelisay soo xulistooda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ah ayaa loogu hambalyeeyay mudaneyaasha tiradoodu gaareyso 90-ka ee looga dhawaaqay Jowhar.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay uga mahad celinaysaa Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle," ayay tiri wasaarada.

Bayaanka ayaa ku daray: "Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Baarlamaanka labaad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay ku dhiirrigelinaysaa Guddiga Doorashada ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada," ayaa lagu soo xiray.

Mudaneyaasha oo shalay la dhaariyey isla markaana xubinta ugu weyn u xushay gudoomiye ku meelgaar ah ayaa qorshuhu yahay in ay maalmaha soo aadan iska dhex-doortaan guddoon.

Doorashada HirShabelle ayaa waxaa ku loolamaya dowladda iyo xisbiyadda mucaaradka gaar ahaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda ee degaan doorashadoodu tahay

Bayaanka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM