DF Soomaaliya oo beenisay warar cusub oo laga faafiyey Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan waxay ku tilmaamtay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshadda oo ku saabsan Coronavirus.

Maxamed Saciid Cabdullaahi, wasiir ku xigeenka caafimaadka, ayaa dadweynaha ku waaniyey in aysan dhageysan wararka aan kasoo bixin "ilaha saxda ee warbaahinta dowladda".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdullaahi ayaa si cad wuxuu u qiray in dalka uusan oolin qalab lagu ogaan karo caabuqaas dilaaga ah.

Balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay socdaan dedaalo waddanka lagu keenayo oo ay waddo xukuumadda federaalka ah ayna balanqaadyo ka heleen dowlado badan.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xili saacadihii lasoo dhaafay la hadalhayey in muwaadin ka yimid Ingiriiska uu tegay Isbitaalka Digfeer isla markaana laga helay fayruskaas.

Laba maalin kahor ayay ahayd markii la xaqiijiyey in kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus ah laga helay Muqdisho. Bukaanka wuxuu kamid ahaa afar muwaadin oo kasoo safartey Shiinaha.

Sidda ay sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka, xaqiijinta waxaa lagu helay baaritaan lagu sameeyay dibadda.

Goobaha waxbarashadda ayaa la amray in la xirro muddo 15-maalmood ah, iyaddoo dowladda ay ku dhawaaqdey in ay diyaarisay shan milyan oo Doolar, lacagtaas oo lagula tacaali doono arrimaha COVID—19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM