DF oo "bilowday" in ay iibsato hubka yaala suuqyada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bilowday in ay iibsato hubka yaala suuqyadda magaala madaxda Muqdisho, sidda uu shaaca ka dhigay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa isagoo adeegsanaya kalmada "la yiri" wuxuu xusay in sababta ay madaxda dalka u gadanayaan rasaasta ay tahay "in la waayo hub hadii ay ku kacaan shacabka caasimada".

"Waa sheeko cusubee bal ka war-haaya," ayuu ka yiri munaasabad loogu dabaaldegayey 60-sano guuradii kasoo wareegatay midowgii gobolada waqooyi iyo koonfur ee ka xoroobay gumeystihii UK iyo Talyaaniga.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdiraxmaan ayaa daboolka ka qaadey in dowladda ay "habeen walba ciidamo u dirto Eritrea si loogu soo tababaro".

"Lacagta lagu dirayo kuwa Eritrea loo qaadayo maa mushahar lagu siiyo kuwa jooga. Habeen mugdi ah ayaa Eritrea ciidan loo qaadaa waa lasoo dejinaa; waa la leeyahay waddankaan hadii annaga nagula kaco waa qabsaneynaa xoog; rasaasta waa gadaneynaa wax kasta annagaa haysaneyna," ayuu xusay.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Waaba niman [madaxda fadhisa Villa Soomaaliya] u diyaar-garoobay dalkan in ay galaan geliyaan".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta oo xasuusiyey hogaanka dalka in ay ogolaadaan wadahadalo ay ka galaan doorashada 2020-21 iyo qaabka waddanka looga saarayo mar-xalada kala guurka ayaa uga digay muddo kororsi.

"Hadii darbiga la isugu geeyo, shacabow hadaba dhageysta, mas'uuliyadda annaga ma helin, waxaa iska leh qofkii dadka darbiga isugu geeyay," ayuu raaciyay, isagoo ka digaya in muddo xileedka dhamaado iyaddoo heshiis la gaarin.

Dowlad goboleedyadda, xisbiyadda mucaaradka iyo saamileyda ayuu ka dhawaajiyey in ay talo mideysan qaadan doonan hadii madaxda dowladda federaalka miiska wadahadalo imaan waayeen kahor arrintaas.

Coddeynta Soomaaliya ee sanadka 2020-21 ayaa shaki xooggan laga muujinayaa in ay waqtigeeda ku dhici karto, wallow arrintaas laga digay, hadana madaxweyne Farmaajo wuxuu u muuqdaa mid iska-indhatiraya baaqyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM