DF Soomaaliya oo cambaareysay weerar lagu qaaday Sacuudiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa si kulul u cambaareysay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn [drones] oo Talaadadii lagu qaaday goobaha saliida laga saaro ee Sacuudiga.

Falaagada Xuutiyiinta ee Yaman oo sheegatay duulaankaasi ayaa tilmaamtay in ay ku beegsatay laba goobood oo ku yaalla degmada Al Duwadimi oo hoos-timaada magaaladda caasimada ah ee Riyadh.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in falkaasi ay u aqoonsan tahay "ficil halis ku ah nabadda gobolka bariga dhexe iyo walaalaha Boqortooyada Sacuudiga".

"Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa in ay garab taagan nahay hogaanka, dowlada iyo shacabka Sacuudiga," ayaa lagu yiri bayaanka oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada.

Khaliid Al Falih, wasiirka Tamarta Sacuudiga ayaa duulaankaasi ku sifeeyay "fal argagixiso oo halis ku ah qeybinta saliida caalamka" isaga oo wacad ku maray in dowladiisu jawaab ka bixin doonto.

Weerarka ayaa yimid maalin kadib markii Sacuudiga uu shaaciyey in laba kamida maraakiibta saliidda uqaada ay "waxyeello xooggan" kasoo gaartay guluf arbushaad ah oo Axaddii loogu gaystay xeebaha Imaaraadka.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan xukuumada haatan jirta ayaa xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga, inkasta oo maamulka Farmaajo lagu eedeeyay in khilaafka Khaliijka uu la saftay Qadar.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM