DF Soomaaliya oo fahfaahin ka bixisay duqeyn lala eegtay Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Axadii, 19-ka Janaayo, 2020, duqeyn dhanka cirka ah laga fuliyey gobolka Jubada Hoose.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed, howlgalkaas oo ciidamo Ameerikana ah ay qeyb ka ahaayeen ayaa lagu qaadey agagaarka Bangeeni oo u dhaxeeya Koban iyo Jamaame.

"Duqeynta waxay dhacday iyaddoo Kumaandooska Danab ay howlgal sifeyn ah ka wadeen halkaas," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha GO.

Bayaanka ayaa intaa ku daray in saddex kamid ahaa dagaalameyaasha Al-Shabaab lagu dilay duqeynta.

"llaa iyo haatan lama soo warin wax khasaaro shacab kasoo gaaray howlgalka," ayuu xusay qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalkaan oo kasoo baxay Al-Shabaab iyo AFRICOM.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2020, Mareykanka ayaa Soomaaliya la fuliyey in ka badan shan howlgal, iyaddoo sanadkii hore 2019 uu qaadey 60, taasoo ka dhigan tiradii uu badneyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM