DF Soomaaliya oo heshiis cusub la gashay shirkado sahmiya shidaalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqdey is-afgarad cusub oo ay la gashay shirkadaha soo saara shidaalka ee kala ah Shell iyo Exxon.

Wasaarada Batroolka oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in heshiiska oo horudhac ah uu ku saabsan habka sahminta iyo horumarinta keydka saliida iyo gaaska ee xeebaha.

Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka wasaaradaas, oo bayaanka uu xafiiskiisa kasoo baxay, ayaa farxad ka muujiyey saxiixa heshiiska.

"Tani waxay nasiineysaa kalsoonida aan awood ugu yeelan karno in aan ku sahmino kheyraad kasta," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo shirkaduhu ay illaa iyo haatan kasoo saarey dhawaqa xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Bishii hore, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga batroolka, kaasoo fursad siinaya shirkadaha maalgelinta raba.

Hase ahaatee, xeerkaas oo lagu muransan yahay, waxaa kasoo horjeestay qaar kamid ah dowlad goboleedyada waddanka, kuwaasoo codsadey in dib loogu noqdo.

Puntland ayaa kaga digtay shirkadaha in ay ku dhaqmaan hindise sharciyeedkaas oo ay ku qeexdey mid "baalmarsan dastuurka".

Bishii October sanadkii hore 2019 ayay ahayd markii Shell iyo Mobil ay si wadajir ah u soo ceshadeen xirmooyin ay ku lahaayeen keydka shidaalka Soomaaliya, waxayna bixiyeen 1.7 milyan oo Doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM