DF oo ka hadashay qaraxyadda dadka badan ku laayey dalka Lubnaan

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka caalamka ee midnimada u muujiyey shacabka iyo dowladda Lubnaan kadib qaraxyo waaweyn oo gilgilay magaala madaxda Beirut.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in ay tacsi tiiraanyo leh u direyso qoysaska dadkooda ku waayey dhacdadaas isla markaana ay soo kabasho u rajeyneyso dhaawacyadda.

"Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxay xilligan adag garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Lubnaan. Waxaan ALLE ka tuugeynaa in uu caafimaad deg-deg ah siiyo dhaawacyadda," ayaa lagu soo qoray barta Twitter-ka ee Villa Soomaaliya, iyaddoo Carabi la adeegsaday.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo dhankiisa qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa naxariista EBBE wuxuu u rajeeyay dhamaan dadka ku geeriyooday falkan.

"Waxaan u duceynayaan walaalaheena Lubnaan," ayuu luuqadda English kusoo qoray, isagoo qaraxa ku sifeeyay "mid aad u naxdin badan".

Inta la xaqiijiyey 73 qof ayaa ku geeriyooday, halka kumanaan kale ay ku dhaawacmeen qaraxyadda oo ka dhacay dekadda Beirut, iyaddoo saameyntiisa laga dareemay meel masaafo ahaan ka fog.

Wallow baaritaano lagu bilaabay sababta dhabta ah ee ka dambeysa, haddana warar horudhac ah waxay sheegayaan in uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo ay gacanta kusoo dhigtay dowladda Lubnaan.

Safaaradda Mareykanka ee caasimada Lubnaan ee Beirut ayaa ugu baaqdey shacabka in ay xirtaan af-saab [maaskaro] "maadaama ay jiraan warar sheegaya in qaraxyadda ay sii daayeen gaasas sumeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM