DF Soomaaliya oo soo dhaweysay diidmada UN-ka ee qaraarkii Kenya

Image

WASHINGTON, US – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ka hor-yimid qaraar ay Kenya u gudbisay kaasi oo ay dooneysay in Al-Shabaab loogu aqoon-sado urur argagixis oo caalami ah.

Qaraarka oo tirsigiisu ahaa 1267 waxaa qaadacday dowladda Soomaaliya oo ku doodey in uu dab kusii shidayo gagaarka la gaarsiinayo goobaha ay maamusho kooxdaasi, wallow lagu sifeeyay "diidnimo siyaasadeysan".

Hay'addaha Gargaarka ee fadhigoodu yahay Mareykanka ayaa soo jeedinta Kenya ku tilmaamay mid "dambi ka dhigaya kaalmada bini'aadanimo" hadii xaalada baahi ee Soomaaliya ay gaarto 18%.

Al-Shaabab ayaa haatan waxaa saaran xayiraadyo dhanka socdaalka iyo maaliyadda ah, kuwaasi oo ku xusan qaraar sumadiisu tahay 751 kaasoo baxay sanadku markii uu ahaa 2007-dii.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa la rumeysan yahay in ay dhaqaalo ka hesho dhoofinta dhuxusha laga raro koonfurta Soomaaliya, taasi oo ay adeegsato howlgaladeeda gobolka.

Dhinaca kale, xukuumadda Muqdisho ayaa u dabaaldegtay markii uu soo baxay go’aanka Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, kaasi oo dharbaaxo ku ah Kenya.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, oo farxad ka muujiyey talaabada Golaha misana bogaadiyey ayaa duray qaraarka ay soo diyaarisay dalka deriska ah.

"Waxaan ammaanayaa diidnimada Golaha Ammaanka ee liis ku darida cadaaladda darada ah ee Al-Shabaab, qaraarka 1267," ayuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay danjire Abuukar Baalle.

Kenya, oo hadda u sharaxan kamid noqoshada golahaasi, ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogan Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka, halkaasi oo ay qayb ka yihiin howlgalka AMISOM.

"Waxaan ka codsanayaa dowladda Kenya in ay dhaqan-geliso qaraarka Golaha Ammaanka 751 kaasi oo beegsanaya Al-Shabaab, sida mamnuucida ganacsiga sharci darada ah ee dhuxusha, kaasi oo nolol dhaqaale siinaya howlgalada Al-Shabaab ee gobolka," ayuu xusay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhextaala xurguf siyaasadeed, taasi oo salka ku haysa dacwad dhanka badda ah, isla markaana Maxkamadda Cadaalada Aduunka ay go’aan ka gaareyso bisha September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM